Banaanbax lagu taageerayo madaxweyne Farmaajo oo haatan ka socda magaalada Muqdisho

Banaanbax aad u ballaaran islamarkaana lagu taageerayo madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa haatan ka soconaya Taaladda Dajirka Dahsoon ee magaalada Muqdisho,

Banaanbaxaan ayaa waxaa soo qaban-qaabiyay maamulka gobolka Banaadir, waxaana dadka ka qeyb galaya ka mid ah mas’uuliyiin maamulka ka tirsan, iyadoo ammaanka goobta uu ka dhacaayo banaanbaxa ay ilaalo ka yihiin ciidamo aad u badan.

Sidoo kale, banaanbaxaan ayaa kusoo beegmayaa xilli uu madaxweyne Farmaajo shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay guryahooda iyo shaqooyinkoodii ku laabtaan islamarkaana la joojiyo damaashaadka.

Dhinaca kale, dadka banaanbaxa dhigaya ayaa wata boorar ay ku qoran yihiin ereyo taageero loogu muujinaayo madaxweyne Farmaajo, islamarkaana loogu baaqayo bulshada Soomaaliyeed inay la shaqeeyaan dowladda cusub.

Ugu dambeyntii, mas’uuliyiin ka hadashay goobta uu banaanbaxa ka soconaayo ayaa baaq culus u diray shacabka Muqdisho, iyagoona ugu baaqay inay la shaqeeyaan dowladda cusub, islamarkaana isku duubni la muujiyo.

Si kastaba ha ahaatee, madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa laga filayaa inuu la yimaado isbedel ku aadan maamulka dalka iyo shaqsiyaadka ka mid noqon doonno xukuumadda cusub ee lasoo dhisi doonno.

error: Content is protected !!