Faah faahin:- Kulan dhexmaray madaxweyne Farmaajo iyo madaxda maamul goboleedyada dalka (DHAGEYSO)

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa magaalada Muqdisho kulan aan caadi ahayn kula yeeshay madaxweynayaasha maamul goboleedyada ka jira dalka, iyadoona kulankaasi looga hadlay arrimo xasaasi ah.

Madaxda maamul goboleedyada ee kulankaasi kasoo qeyb-gashay ayaa waxaa ka mid ahaa madaxweynaha Puntland C/weli Gaas, madaxweynaha Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed, madaxweynaha Hirshabeele Cali C/laahi Cosoble, iyo madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan, iyadoona uu kulanka ka maqnaa madaxweynaha Jubbland Axmed Madoobe.

Kulankaasi oo ahaa mid uu dalbaday madaxweyne Farmaajo ayaa looga hadlay dalab uu hor-dhigay madaxda maamul goboleedyada dalka, kuwaas oo kala ahaa; wada-shaqeyn dhex marta dowladda dhexe iyo maamulada dalka iyo inay iska kaashadaan wax ka qabashada arrimaha abaaraha ka jira dalka.

Dhinaca kale, madaxweynaha maamulka Hirshabeele Cali C/laahi Cosoble oo kulanka kadib la hadlay saxaafadda ayaa sheegay in kulanka looga hadlay xaaladda dalka, isagoo sidoo kale sheegay in madaxweyne kasta marka la doorto ay dadka soo dhaweeyaan balse loo baahan yahay in lala shaqeeyo islamarkaana hore loo socdo.

“Madaxweynaha ayaa na-casuumay, waxaa ka wada-hadalnay in la wada shaqeeyo, horay loo socdo, madaxweynuhu uu garbo u noqdo dalka, dowlad goboleedyadana ay garbo u noqdaan, si niyad sami leh ayuu noogu soo dhamaaday, waxaa kulanka ka maqnaa madaxweyne Axmed Madoobe oo aan isaga Xamar joogin” Sidaasi waxaa yiri madaxeynaha maamulka Hirshabeele Cali C/laahi Cosoble.

Madaxweyne Cosoble oo hadalkiisa sii wata ayaa sidoo kale yiri “Dareenka shacabka aad iyo aad ayuu u sareeyaa waa fiican yahay, balse xaqiiqada waxay tahay anaga hadaan shacabka Soomaaliyeed nahay waa xiiso badanahay, madaxweyne C/laahi Yuusuf markii la doortay, sidaas ayay aheyd, Sheekh Shariif markii la doortay sidaas ayay aheyd, Xasan Sheekh markii la doortay sidaas ayay aheyd, hadana Farmaajo markii la doortay waa sidii, xiisaha waa fiican yahay laakiin xiisaha inaan la dhigin, waxaa loo baahan in lala shaqeeyo dowladda iyo madaxweynaha, islamarkaana hore loo socdo”

error: Content is protected !!