Madaxweyne Farmaajo iyo Xasan Sheekh oo maanta kulan ku yeeshay Villa Soomaaliya (SAWIRO)

Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa maanta markii ugu horeeysay tan iyo markii xilkaasi loo doortay booqasho ku tagay xarunta madaxtooyadda Villa Soomaaliya ee magaalada Muqdisho, halkaas oo uu kulan kula qaatay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweyne Farmaajo oo ay wehliyaan xubno kale ayaa markii ay gaareen xarunta madaxtooyadda Soomaaliya, waxaa halkaasi si diiran ugu soo dhaweeyay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, isagoona kadib kusoo wareejiyay dhammaan xafiisyada ku yaala halkaasi, oo uu dhawaan ku shaqeyn doono madaxweyne Farmaajo.

Dhinaca kale, madaxweyne Farmaajo ayaa si qoto-dheer ugu kuur-galay xaaladda madaxtooyadda iyo shaqaalaha haatan ka howlgala, waxaana warar kala duwan ay heleyso warbaahinta Bulshoweyn ay sheegayaan in Farmaajo uu qorsheeynayo inuu qorto shaqaale cusub oo xaruntaasi ka howlgala.

Todobaadka soo socdo ayaa la filayaa in xafladda caleemo saarka madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo ay si rasmi ah uga dhacdo magaalada Muqdisho, iyadoona ay haatan socoto qaban-qaabidda lagu diyaarinayo xafladaasi iyo munaasabada ay labada madaxweyne xilalka kula kala wareegayaan.

error: Content is protected !!