Madaxweyne Farmaajo oo caawa la kulmay wiilkii reer Jowhar ee wacdaraha dhigay (SAWIRO)

Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa caawa Hoteelka Jazeera ee magaalada Muqdisho kulan kula yeeshay wiilkii dhalinyarada ahaa ee baraha bulshada ku xiriirto si weyn loogu baahiyay hadal heyntiisa.

Wiilkaan dhalinyarada ah oo lagu magacaabo C/laahi Maxamuud Cismaan kuna magac dheer (Daanyeerow) ayaa muuqaal dhawaan laga soo duubay lagu baahiyay baraha ay bulshada ku xiriirto, isagoo ku hidaaqaya ereyadda uu ka mid ahaa “AR FARMAAJO II GEEYA”, waxaana ugu dambeyn caawa suurto-gashay inuu Hoteelka Jazeera kula kulmo madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo.

C/laahi Maxamuud Cismaan (Daanyeerow) ayaa ah beeraley ku nool magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/dhexe, wuxuuna ka mid ahaa dadkii shacabka ahaa ee ka qeyb galaayay banaanbaxyadii lagu taageeraayay guushii madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo.

Ugu dambeyntii, madaxweyne Farmaajo ayaa gacan qaaday C/laahi Daanyeerow, wuxuuna u sheegay inuu wax ka qaban doonno xaaladiisa, waxaana kulanka wiilkaan iyo madaxweynaha si weyn uga shaqeeyay dhalinyaradii Jowhar oo xiriir lasoo sameeyay saraakiil ka mid ah guddigii u qaabilsanaa ololaha doorashooyinka madaxweyne Farmaajo.

error: Content is protected !!