Wiilkii sida weyn ugu caan baxay “AR FARMAAJO II GEEYA” oo la kulmaya madaxweyne Farmaajo

Waxaa maalmihii ugu dambeysay baraha ay bulshada ku xiriirto si weyn u qabsaday wiil dhalinyaro ah oo ku caan-baxay ereyga ah “AR FARMAAJO II GEEYA, AR FARMAAJO MA II GEYSIINOO, AR XAMAR LUG HA LA IIGU GEEYO”, iyadoona dhalinyaradii la socotay ay ka daba oranayeen “WAA LAGUU GEYNAA”.

Wiilkaasi oo lagu magacaabo C/laahi Maxamuud Cismaan (Daanyeeroow) ayaa ah beeraley ku nool magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/dhexe, wuxuuna ka mid ahaa dadkii shacabka ahaa ee ka qeyb galaayay banaanbaxyadii lagu taageeraayay madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo.

C/laahi Daanyeeroow oo haatan la keenay magaalada Muqdisho ayaa lagu wadaa inuu si toos ah ula kulmo madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo, waxaana arrintaan si weyn uga shaqeeyay dhalinyaradii Jowhar oo xiriir lasoo sameeyay saraakiil ka mid ah guddigii u qaabilsanaa ololaha doorashooyinka madaxweyne Farmaajo.

Si kastaba ha ahaatee, bulshada Soomaaliyeed oo ku kala nool daafaha dunidda ayaa si weyn arrinkani usoo dhaweeysay, waxayna sheegeen in kulanka madaxweyne Farmaajo iyo C/laahi Daanyeerow uu noqon doonno mid xiiso gaar ah yeesha islamarkaana taariikhda gali doonno.

error: Content is protected !!