Faah faahin:- Dagaalyahanada Al-shabaab oo la wareegay deegaano ku yaala degmada Wanlaweyn

Wararka naga soo gaaraya gobolka Sh/hoose ayaa waxay sheegayaan in dagaalyahanada Al-shabaab ay saqdii dhexe xalay weerar xoogan kusoo qaadeen deegaano dhowr ah oo ku yaala gobolkaasi, iyagoona kadib la wareegay gacan ku haynta deegaanadaas.

Weerarka oo socday saqdii dhexe ee xalay illaa aroortii saakay ayaa ahaa mid saf balaaran ah oo ay dagaalyahanada Al-shabaab ku qaadeen fariisimaha ay ciidamada dowladda ku lahaayeen deegaanada Tixsiile, Warmaxan iyo Garas Wandiile oo ka wada tirsan degmada Wanlaweyn ee gobolka Sh/hoose.

Sarkaal ka tirsan Al-shabaab ayaa sheegay inay gebi ahaan la wareegeen seddaxdaasi deegaan, islamarkaana ay qabsadeen labo gaari oo ay lahaayeen ciidanka dowladda Soomaaliya.

Sidoo kale, saldhiga ciidamada dowladda ee deegaanka Warmaxan ayaa la sheegayaa inay bililiqeysteen dagaalyahanada Al-shabaab ee halkaasi weerarka ku qaaday, mana jirto wax war ah oo kasoo baxay dhinaca saraakiisha ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya.

Illaa iyo haatan lama oga qasaaraha dhabta ah ee ka dhashay dagaalkaasi, balse warar madax banaan aynu heleyno ayaa inoo sheegaya inay ku dhinteen labo qof oo shacab ah, iyadoona tiro intaasi ka badan ay ku dhaawacantay.

Si kastaba ha ahaatee, weerarka lagu kala qaaday deegaanada ku yaala degmada Wanlaweyn ee gobolka Sh/hoose ayaa noqonaya kii ugu horeeyay oo ay Al-shabaab ku qaado dowladda federaalka Soomaaliya ee uu madaxweynaha ka yahay Maxamed C/laahi Farmaajo.

error: Content is protected !!