Xasan Sheekh Maxamuud oo maalmaha soo socda si rasmi ah u faarujin doonno Villa Soomaaliya

Madaxweynihii hore ee dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa haatan isku diyaarinaaya sidii uu maalmaha soo socdo u faarujin lahaa xarunta madaxtooyadda Villa Soomaaliya ee magaalada Muqdisho, isagoona u dhoofi doonno dalka dibadiisa.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka mid ahaa musharixiinta looga guuleystay tartankii doorashada ee xilka madaxweynaha Soomaaliya, taas oo dhacday 8-da bishaan Febraayo ee 2017-ka, waxaana la sheegayaa inuu haatan ku wajahan yahay dalalka Tanzania iyo Turkiga oo ay kala degan yihiin labadiisa qoys.

Dhinaca kale, maalmaha soo socdo ayaa la filayaa in madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo uu si toos ah ula wareego xilka, waxaana markaasi xiggi doonna inuu sida ugu dhaqsiyaha badan kusoo magacaabo ra’iisul wasaaraha cusub, kaas oo isna soo dhisi doonna xukuumad cusub oo tayo leh.

Si kastaba ha ahaatee, inta badan madaxda Soomaaliya soo martay ayaa markii ay xilalka ka degaan waxay ka dhoofaan dalka, iyagoo markaasi degaan ka dhigta dalalka dibadda ah, mana jirto hal madaxweyne oo markii uu xilka ka dego kusii noolaada dalka gudihiisa.

error: Content is protected !!