Ra’iisul wasaare ku-xigeenka oo magacaabay guddiga qaban-qaabada caleemo saarka madaxweynaha

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya Maxamed Cumar Carte ayaa maanta magacaabay guddiga qaban qaabada xafladda caleemo-saarka madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo.

Guddigaan oo ka kooban lix guddi-hoosaad ayaa waxaa loo xil-saaray inay qaban-qaabiyaan, islamarkaana xiriiriyaan hay’adaha u qeybsan qaban-qaabada caaleemo-saarka xafladda madaxweynaha.

Guddigaan ayaa sidoo kale loo xilsaaray jaan-goynta kharashaadka ku baxaaya caleemo saarka iyo sidoo kale inay magacaabaan xubnaha guddi-hoosaadka xafladda, ayna kormeeraan howlaha socda.

Xubnaha guddiga qaran ee loo xil-saaray xafladda oo ka kooban 8 qof,  waa dhammaantood ku jiraan gollaha wasiiradda ee xukuumadii Cumar C/rashiid ee waqtigeedu dhammaaday, waxaana ka mid ah:-

1- C/laahi Axmed Jaamac “Ilka-Jiir” -Guddiga Addegga iyo Diyaarinta Goobta.

2- C/risaaq Cumar Maxamed  – Guddiga Sugida Amniga

3- C/raxmaan Xuseen Odowaa – Guddiga Sugida Amniga

4- Axmed Cali Kediye – Guddiga Habmaamuuska iyo Xiriirka Caalamiga.

5- Maxamed Aadan Ibraahim “Farkeeti” – Guddiga Maaliyadda.

6- Mudane C/raxmaan Yuusuf Cali Ceynte – Xiriiriye.

7- Siciid Xuseen Ciid – Guddiga Diyaarinta Barnaamijyada

8- Maxamed Cabdi Xayir “Maareeye” – Guddiga Warbaahinta Iyo Iclaamka.

Ugu dambeyntii, guddigaan ayaa haatan looga fadhiyaa inay si rasmi ah ugu dhawaaqaan waqtiga xafladda caleemo-saarka madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo iyo goobta lagu qabanaayo.

error: Content is protected !!