Ciidamo cusub oo badeli doonna kuwii hore oo soo gaaray magaalada Muqdisho (SAWIRO)

Waxaa magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya soo gaaray ciidamo cusub oo ka socda dalka Burundi, kuwaas oo ka mid noqon doonna howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM.

Ciidamadaan ayaa la sheegayaa inay badeli doonaan ciidamada guutadda 34-aad ee dowladda Burundi, kuwaas oo dhameystay muddo sanad ah oo ay howlgalka ka wadeen gudaha dalka Soomaaliya.

Taliyaha ciidanka guutada cusub ee soo gaartay dalka Soomaaliya Leonidas Nsingirankabo oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inta ay ciidankaan sii joogi doonaan dalka Soomaaliya ay waxbadan ay kusoo kordhin doonaan dhinaca ammaanka dalka.

Sidoo kale, taliyaha ayaa sheegay in ciidankaan ay si wanaagsan ula dhaqmi doonaan bulshada Soomaaliyeed oo ay u yimaadeen islamarkaana kala qeyb geli doonaan soo celinta deganaanshiyaha Soomaaliya.

Ugu dambeyntii, ciidanka Burundi ee ka tirsan AMISOM ayaa ka howl gala qeybta 5-aad howlgalka AMISOM ee gobolada Sh/hoose iyo dhexe, wuxuuna saldhigooda dhexe ku yaalaa magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/dhexe.

error: Content is protected !!