Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay heshiiska Somaliland iyo Imaaraadka Carabta (DHAGEYSO)

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa sharci darro ku tilmaamtay heshiiskii ay xildhibaanada baarlamaanka ee maamulka Somaliland ku ansixiyeen saldhig ay Imaaraadka Carabta ka furanayso magaalada Berbera ee Somaliland.

Nuur Faarax Jimcaale oo ah hanti dhowraha guud ee qaranka ayaa warbaahinta u sheegay in sharci darro iyo waxba kama jiraan ay tahay in dowladda Imaaraadka Carabta ay heshiis la gssho mamulka Somaliland, isagoo sheegay in heshiiskaasi  uu yahay mid sharci aan sharci ahayn.

Sidoo kale, wuxuu hanti dhowaha sheegay in xildhibaanada labada gole ee Somaliland laga qariyay heshiiska oo dhameystiran islamarkaana qodobo uun loo qeybiyay, wuxuuna intaas ku daray inay heshiiska qeyb ka yihiin mas’uuliyiin ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya

“Heshiiskii dekedda Berbera waxaa qeyb ka ahayd madax sare oo ka tirsan dowladda federaalka, xildhibaanada Somaliland waxaa laga qariyay heshiiskii lakala saxiixday oo dhameystiran, waxaa loo qeybiyay oo kaliya nuqulo qodobo dhowr ah ku qoran, waxaa heshiiskaasi galay shaqsiyaad danno gaar ah leh, marka heshiiskaasi waa sharci darro” Sidaasi waxaa yiri hanti dhowraha guud ee qaranka Nuur Faarax Jimcaale

Heshiiskaan muranka badan ka dhex-dhaliyay maamulka Somaliland ayaa waxaa wada saxiixday Somaliland iyo dowladda Imaaraadka Carabta, wuxuuna heshiiskaan u ogolaanayaa dowladda Imaaraadka Carabta inay saldhig militeri ka furan karto garoonka diyaaradaha ee magaalada Berbera.

error: Content is protected !!