Diyaarad ay la socdeen wasiiro iyo xildhibaano oo si deg deg ah loogu dajiyay garoonka JKIA

Diyaarad ay leedahay shirkadda Daallo Airlines ayaa maanta si deg-deg ah looga dajiyay garoonka JKIA ee ku yaala magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya, kadib markii ay cilad soo wajahday.

Diyaaradaan oo ay la socdeen 120 rakaab ah ayaa waxaa rakaabkaasi ka mid ahaa 3 wasiir, 10 xildhibaan oo ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo sidoo kale taliyihii hore ee ciidanka nabad-sugidda NISA C/raxmaan Tuuryare, waxaana la sheegay in diyaaradaasi si deg-deg ah ay ku caga-dhigatay garoonka diyaaradaha JKIA ee magaalada Nairobi.

Warar hordhac ah aynu heleyno ayaa sheegaya in diyaaradaasi ay cilad dhinaca matoorka ah ku timid, waxaana isla markiiba garoonka JKIA ee magaalada Nairobi loogu diyaariyay gaadiidka dab-damiska iyo gurmad degdeg ah.

Sidoo kale, waxaa heegan buuxo la geliyay dhamaan dadkii la-tacaali lahaa diyaaradda hadii ay dhibaato ku dhacdo kadib markii ay soo caga-dhigato garoonka JKIA ee magaalada Nairobi.

Dhinaca kale, diyaaradaasi ayaa la sheegayaa in markeedi hore uu qorshuha ahaa inay ku degto garoonka diyaaradaha magaalada Wajeer ee gobolka Waqooyi Bari Kenya, balse loo diiday inay halkaasi kusoo degto.

Si kastaba ha ahaatee, ma ahan markii ugu horeeysay diyaarad ay leedahay shirkadda Daallo Airlines cilad dhinac matoorka ah lasoo gud-boonaato, iyadoona diyaaradaan ay ka mid tahay diyaaradaha sida weyn duulimaadyadda uga sameeya magaalada Muqdisho iyo dalalka caalamka.

error: Content is protected !!