Faah faahin kasoo baxaysa qarax ka dhacay magaalada B/weyne ee xarunta gobolka Hiiraan

Wararka naga soo gaaraya magaalada B/weyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in maanta uu halkaasi ka dhacay qarax aad u xoogan, oo noociisu ahaa miino dhulka lagu aasay.

Qaraxaasi ayaa la sheegayaa in lala eegtay ciidamo Itoobiyaan ah oo maraayay Buundo labaad oo ku taallo xaafadda Xaawo Taako ee magaalada B/weyne.

Illaa iyo haatan lama oga qasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay qaraxaasi, balse warar hordhac ah ay warbaahinta Bulshoweyn heleyso ayaa sheegaya in ciidankaasi Itoobiyaanka ay waxyeelo soo gaartay.

Qaraxa ka dib waxaa goobtaasi soo gaaray ciidamo ka tirsan booliska Soomaaliyeed, kuwaas oo howlgalo baaritaano ah halkaasi ka sameeyay.

Ma jirto cid falkaasi qaraxa ah loo soo qabtay ama sheegatay mas’uuliyadiisa, waxaana haatan degan xaaladda goobta uu qaraxa ka dhacay.

error: Content is protected !!