Faah faahin:- Nabadoon caan ah oo caawa lagu dilay degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho

Koox hubeysan ayaa caawa degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho ku dishay nin nabadoon ah oo ka tirsanaa odayaasha dhaqanka beesha Abgaal/Daa’uud, kaas oo magaalada si weyn looga yaqaanay.

Nabadoonkaan oo lagu magacaabi jiray Nabadoon Muuse Maxamuud Rooble (Muuse Ilkoweyne) ayaa la dilay xilli uu kasoo baxay masjid ku yaala Suuqa degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho, halkaasi oo uu kusoo dukaday salaadii maqribka.

Dad goob-joogayaal ayaa warbaahinta Bulshoweyn u sheegay in kooxihii falka dilka ah u geystay ninka nabadoonka ah ay islamarkiiba goobta isaga baxsadeen.

Ciidamo ka tirsan kuwa nabad-sugidda qaranka ee NISA oo soo gaaray goobta uu dilka ka dhacay ayaa halkaasi ka sameeyay baaritaano culus oo ay ku ogaanayeen sida ay wax u dhaceen.

Meydka marxuumka oo muddo saacado ah yaalay goobta lagu dilay ayaa markii dambe laga qaaday.

Dilka nabadoonka ayaa la sheegayaa inay ka dambeeyeen labo nin oo dhalinyaro ah, kuwaas oo illaa iyo haatan aan la aqoonsan heybtooda, inkastoo dilalka ceynkaan oo kale ah looga bartay inay geystaan dagaalyahanada ka tirsan Al-shabaab.

error: Content is protected !!