DEG DEG:- Dhowr madaafiic oo goordhaw lagu weeraray xarunta madaxtooyada Villa Soomaaliya

Waxaa goordhaw qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho laga maqlay dhawaqa tiro madaafiic ah oo lagu weeraray agagaarka xarunta madaxtooyada ee Villa Soomaaliya.

Madaafiicdaan oo tiradooda gaarayso ilaa 4 madfac ayaa la sheegayaa inay kusoo dhaceen guryo ku yaalla degmada Wardhiigley, gaar ahaan dhabarka dambe ee xarunta madaxtooyadda Villa Soomaaliya.

Illaa iyo haatan lama oga goobta laga soo tuuray madaafiicdaan iyo sidoo kale qasaaraha rasmiga ah  ee ka dhashay, inkastoo madaafiicdaan ay ahaayeen kuwa laga soo tuuray gudaha magaalada Muqdisho.

Dhinaca kale, weerarkaan ayaa kusoo beegmaya muddo saacad ah kadib markii uu xilka si rasmi ah ula wareegay madaxweynaha cusub ee dowladda federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo, kadib munaasabad kooban oo ka dhacday xarunta madaxtooyada Villa Soomaaliya.

Si kastaba ha ahaatee, weerarkaan ayaa noqonaya kii ugu horeeyay oo laga maqlo magaalada Muqdisho, tan iyo markii xilka madaxweynaha cusub ee dowladda federaalka Soomaaliya loo doortay Mudane Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo.

Wixii warkaan kusoo kordha dib kala soco Insha Allaah

error: Content is protected !!