Beesha Sheekhaal oo dalab culus u dirtay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo (AKHRISO)

Kulan ay isugu yimaadeen waxgaradka, aqoonyahanada, odayaasha dhaqanka iyo bulshada ku abtirsata beesha Sheekhaaleed ayaa waxay madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo uga dalbadeen in xilka ra’iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya uu usoo magacaabo shaqsi beeshaasi kasoo jeeda.

Beesha Sheekhaal oo ka mid ah beelaha Soomaaliyeed ee dega qeybo badan oo ka mid ah Soomaaliya ayaa kulankii ay yeesheen waxay si wadajir isugu raaceen inay muhiim tahay midnimada beesha islamarkaana ay waajib tahay in beesha ay hesho dhammaan xuquuqaha aas-asaasiga ah oo ay beesha ku leedahay dowladnimada Soomaaliyeed.

Mas’uuliyiinta kulankaasi kasoo qeyb-gashay ayaa waxaa ka mid ahaa Suldaan Nuur Xaaji C/qaadir, Suldaan Maxamed Suldaan Muuse , Suldaan Xasan Xaaji Guul-wade, Ugaas C/qaadir Yuusuf Gobayaa, Ugaas Axmed Sheekh Abiikar, Suldaan Axmed Maxamed (Lixle), Col. Cumar Xaaji Ibraahim Gaagaale , Malaaq Xasan Sheekh , Suldaan Maxamed Cumar , Nabadoon Sheekh Axmed Sheekh Maxamed Badawi, Nabadoon Maxamed Cali Maxamed , Nabadoon Maxamed Yuusuf Xasan.

“Beesha Sheekhaaleed waxay dowladda Soomaaliyeed ee uu hogaaminayo Maxamed C/laahi Farmaajo ka dalbaneysaa inuu xilka ra’iisul wasaaraha usoo magacaabo shaqsi u dhashay beeshaas, maadaama ay beesha mudan tahay in xilkaasi iyaga loo magacaabo” Ayay yiraahdeen xubnaha kulanka ka qeyb-gashay.

Sidoo kale, xubnahaasi ayaa sheegay in beesha Sheekhaaleed ay xilli kasto diyaar u tahay inay ka shaqeeyso waxkasto oo ay ku jirto Danta, Diinta, Dadka iyo Dalka, islamarkaana Alle ka baryay inuu ka dul-qaado abaarta iyo colaada ka jirta Soomaaliya.

Si kastaba ha ahaatee, baaqaan kasoo yeeray xubnaha ku abtirsada beesha Sheekhaal ayaa imaanaya xilli dhawaan lagu wado in madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo uu soo magacaabo ra’iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya, kaas oo soo dhisi doonna xukuumad cusub oo tayo leh islamarkaana shaqeyn doonta 4-ta sano ee soo socota.

error: Content is protected !!