Madaxweyne Farmaajo oo ka hadlay mowqifkiisa ku aadan ciidanka AMISOM ee ku sugan Soomaaliya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa markii ugu horeeysay tan iyo markii loo doortay xilkaasi ka hadlay mowqifkiisa ku aadan waxa uu ka yeeli doonno ciidamada AMISOM ee ka howlgala gudaha dalka Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo oo hadal ka jeediyay xafladii uu shalay xilka kula wareegay ayaa sheegay in ciidamada AMISOM ay dalka sii joogi doonaan illaa iyo inta laga soo dhisaayo ciidamo Soomaaliyeed ee badali kara ciidankaas.

Sidoo kale, madaxweyne Farmaajo ayaa mahad ballaaran u jeediyay ciidamada AMISOM iyo beesha caalamka, isagoona caddeeyay in Soomaaliya markii ay dhisato ciidamo qaran ay u mahad-celin doonaan dalalka ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya islamarkaana ay markaasi sagootin doonaan.

“Marka hore waxaa rabaa inaa u mahad-celiyo beesha caalamka iyo ciidamada AMISOM ee sida weyn uga qeyb qaatay nabadeynta Soomaaliya, ciidamo shisheeye waxaa laga maarmi karaa kadib markii la dhiso ciidamo qaran, hadda ciidanka AMISOM waan wada shaqeyn doonnaa, wayna sii joogi doonaan dalka illaa laga soo dhisaayo ciidan qaran oo iyaga badeli kara, markaasi kadib ayaa walaalaheena u sagootin doonnaa guryahooda” Sidaasi waxaa yiri madaxweyne Farmaajo

Ololaha doorasho ee madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa ka mid ahaa in ciidamada shisheeye oo ay ka mid yihiin kuwa AMISOM ay ka bixi doonaan dalka, islamarkaana lasoo dhisi doono ciidamada Soomaaliya oo si fiican tababaran, kuwaas oo badeli doonna ciidanka shisheeye ee ku sugan Soomaaliya.

error: Content is protected !!