Afhayeenkii hore ee Ximan iyo Xeeb Maxamed Cumar Hagafeey oo Muqdisho lagu dilay

Koox hubeysan ayaa maanta weerar qorsheyan ku dilay afhayeenkii hore ee maamulkii Ximan iyo Xeeb Maxamed Cumar Jimcaale Hagafeey, xilli uu maraayay agagaarka isbitaal Digfeer degmada Hodan ee magaalada Muqdisho.

Marxuumka la dilay ayaa la sheegayaa inuu watay gaari yar oo noociisa yahay kuwa raaxadda, waxaana gaarigiisa rasaas ku furay kooxo hubeysan oo la sheegay inay ku labisnaayeen dharka ciidanka dowladda Soomaaliya.

Illaa iyo haatan lama oga cidda rasmiga ah ay ka tirsan yihiin kooxdaasi weerarka geysatay, waxaana goobta uu dilka ka dhacay soo gaaray ciidamo ka tirsan dowladda oo halkaasi baaritaano ka sameeyay.

Warar hoose ay warbaahinta Bulshoweyn heleyso ayaa sheegaya in kooxdaasi weerarka fuliyay ay ahaayeen isla kooxdii maanta weerartay gaari kale uu la socday sarkaal ka tirsan ciidanka NISA Jeneraal Xasan Dheere.

Dhinaca kale, laamaha ammaanka ee dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa maamulka gobolka Banaadir weli wax war ah kama aysan soo saarin falalka dilalka qorsheysan iyo weerarada kala duwan ee maanta ka dhacay magaalada Muqdisho.

error: Content is protected !!