DEG DEG:- Jeneraal Xasan Dheere oo lagu dhaawacay weerar goordhaw ka dhacay Muqdisho

Koox hubeysan oo watay gaari ayaa goordhaw Isgoyska Ceel-gaabta ee magaalada Muqdisho ku weeraray sarkaal ka tirsan ciidamada nabad-sugidda iyo sirdoonka Qaranka Soomaaliya Jeneraal Xasan Dheere.

Jeneraal Xasan Dheere iyo darawalkiisa ayaa la sheegayaa inay weerarkaasi ku dhaawacmeen, halka mid ka mid ah ciidankii ilaalada u ahaa Jeneraalka uu weerarka ku dhintay.

Kooxdii weerarka ku qaaday gaariga Jeneraal Xasan Dheere ayaa la sheegayaa inay islamarkiiba isaga baxsadeen goobta, waxaana markii dambe goobtaasi soo gaaray ciidamo ka tirsan nabad-sugidda qaranka oo goobtaasi baaritaano xoogan ka sameeyay.

Jeneraal Xasan Dheere ayaa hore u ahaa taliye ku-xigeenka hay’adda nabad-sugidda qaranka ee NISA.

Dhinaca kale, koox hubeysan oo iyana watay gaari noociisu yahay Paraado, ayaa agagaarka isbitaalka Digfeer ee magaalada Muqdisho ku rasaaseeyay gaari noociisu ahaa midka raaxada ah.

Weerarkaasi ayaa la xaqiijiyay inuu ku dhintay qofkii watay gaariga la weeraray, iyadoona kooxihii weerarka geystay ay goobta ka baxsadeen.

Labadaan weerar ee ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa noqonaya kuwii ugu horeeyay ee magaalada ka dhaca tan iyo markii la doortay madaxweyne Farmaajo, waxaana mudooyinka ugu dambeysay magaalada kasoo yaraanayay weerarada ay kooxaha hubeysan ku qaadaan gaadiidka ay dadka wataan, inkastoo uu haatan u muuqanayo mid dib usoo laabtay.

error: Content is protected !!