Safiir si sharci darro hore uga shaqo bilaabay Muqdisho oo maanta waraaqihiisa aqoonsiga gudbiyay (SAWIRO)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa maanta waraaqihii aqoonsiga ee safiirnimo ka guddoomay safiirka cusub ee dalka UK usoo dirsatay Soomaalya David William Concar.

Labadaasi mas’uul oo kulan ku yeeshay xarunta madaxtooyadda Villa Soomaaliya ee magaalada Muqdisho, ayuu madaxweyne Farmaajo ugu dambeyn waraaqaha aqoonsiga ee safiirnimo kaga guddoomay safiirka cusub ee dowladda UK David Concar.

Madaxweyne Farmaajo iyo Amb. David Concar ayaa kulankoodii uga wada-hadlay xiriirka labada dal iyo sidii ay dowladda UK uga qeyb qaadan lahayd gargaarka loo fidinaayo dadka ay abaaruhu ku dhufteen ee gobolada dalka Soomaaliya.

Amb. David Concar ayaa la sheegayaa in muddo labo bilood ah si aan sharci ahayn uga shaqeeynayay xarunta safaaradda UK ay ku leedahay magaalada Muqdisho, kadib markii uu bedalay safiirkii hore ee UK u magacawnaa Soomaaliya Hariet Mathews.

Dhinaca kale, warar hoose oo ay warbaahinta Bulshoweyn heshay ayaa sheegaya in David Concar uu hore u diiday inuu waraaqihiisa aqoonsiga u gudbiyo madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, taas oo ay sabab u aheyd isagoo aaminsanaa inuusan aheyn madaxweyne sharci ah.

Si kastaba ha ahaatee, muddooyinkii ugu dambeysay waxaa soo badanaayay dowladahaa shisheeye ee sida aadka u daneeya arrimaha Soomaaliya oo ku loolamaya inay xiriiro gaar ah la sameystaan madaxweynaha Soomaaliya ee sida sharciga ah loo soo doortay Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo.

error: Content is protected !!