Safiirka Turkiga oo xaflad sagootin ah xalay u sameeyay Xasan Sheekh iyo kooxdiisa (SAWIRO)

Waxaa habeenkii xalay kulan aan caadi ahayn safaaradda Turkiga ee magaalada Muqdisho ku yeeshay safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya, madaxweynihii hore ee Soomaaliya iyo kooxdii lasoo shaqeeysay.

Kulankaasi ayaa la sheegay inuu ahaa casho sharaf iyo sagootin ay safaaradda Turkiga ee Muqdisho u sameeynaysay Xasan Sheekh Maxamuud iyo kooxdiisa.

Xubnaha Xasan Sheekh ku wehliyay kulankaasi cashada ahaa ayaa waxaa ka mid ah; C/raxmaan Maxamed Odowaa, Faarax Sheekh C/qaadir, Cali Balcad iyo Saadaq C/kariin.

Safaaradda Turkiga ayaa sidaan oo kale hore u casuuntay madaxweyihii hore ee KMG ahaa Shariif Sheekh Axmed oo ka mid ahaa musharixiinta galay tartanka madaxweynaha Soomaaliya ee 2017 balse ku fashilmay doorashada.

Sidoo kale, Xasan Sheekh Maxamuud iyo kooxdiisa ayaa dadaal dheeraad ah u galay sidii ay markale talada dalka ugu guuleysan lahaayeen balse ay ku fashilmeen.

Ugu dambeyntii, madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale 22-ka bishaan ka qeyb-gali doonno xaflada caleemo saarka madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo, wuxuuna markaasi kadib la midoobo doonaa qoysaskiisa ku kala nool dalalka Tanzaniya iyo Turkiga.

error: Content is protected !!