XOG RASMI AH:- Madaxweyne Farmaajo oo markii ugu horeeysay safar dibad ah ugu bixi doonno

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo ayaa dhawaantaan lagu wadaa inuu safarkii ugu horeeyay tan iyo markii xilka loo doortay ku tago dalka Boqortooyada Sucuudi Carabiya.

Madaxweyne Farmaajo ayaa markii xilka loo caleemo saaro kadib u safri doonno dalka Sucuudi Carabiya, halkaasi oo kusoo cumreeysan doonno, islamarkaana shacabka Soomaaliyeed ugu soo duceyn doonno.

Kadib markii uu madaxweyne Farmaajo cumreysto, wuxuu kulan gaar ah la yeelan doonnaa boqorka dalka Sucuudiga Boqor Salmaan Bin Cabdulcasiis Al Sacuud, isagoona sidoo kale magaalada Riyadh kaga qeyb-gali doonno shirka dalalka Iskaashiga Islaamka oo halkaasi dhawaan ka dhici doonno.

Safarka madaxweyne Farmaajo ee dalka Sucuudi Carabiya ayaa la sheegeyaa inuu soo qaban-qaabiyay islamarkaana si weyn uga soo shaqeeyay safiirka Soomaaliya u fadhiya dalkaasi Daahir Maxamuud Geele, kaas oo maalmihii ugu dambeysay magaalada Muqdisho u joogay xiriirinta madaxweynaha cusub iyo boqorka Sacuudiga.

Dalka Sacuudi Carabiya ayaa ka mid ah dalalka sida weyn u daneeya arrimaha dalka Soomaaliya, waxaana maalmihii ugu dambeysay madaxweyne Farmaajo soo gaarayay casuumaadyo kala duwan oo kaga imaanayay dalal kala duwan.

Dalal kala duwan ayaa haatan u muuqda kuwa si weyn u daneeynaya arrimaha Soomaaliya, kadib markii uu dhawaan madaxweyne Farmaajo ku guuleystay doorashadii dalka ka dhacday.

Safarka madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale noqon doonna mid ka duwan safaradii ay madaxdii hore ee dalka ay ku tagi jireen Sucuudi Carabiya.

Dowladda Sucuudi Carabiya ayaa haatan u muuqata mid si weyn u daneynaysa inay xiriir aad u wanaagsan la yeelato dowladda uu hogaaminaayo madaxweyne Maxamed C/laahi Farmaajo.

error: Content is protected !!