Taliska AMISOM oo ka warbixiyay dalab uu madaxweyne Farmaajo usoo gudbiyay (AKHRISO)

Taliska AMISOM ayaa shaaciyay warbixin ay uga hadlayaan kulan dhex maray madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo iyo saraakiisha ciidamada AMISOM oo ay wehliyaan safiirada dalalka ciidamada ka joogaan Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo ayaa la sheegayaa in kulanka kadib uu ballan ku qaaday inuu si dhaw ula shaqeeyn doonno AMISOM oo dagaalka xoogan kula jira kooxda Al-shabaab, wuxuuna tilmaamay in Al-shabaab ay caqbad weyn ku yihiin nabadgelyada Soomaaliya.

Sidoo kae, madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in haatan loo baahan yahay in si deg-deg ah loo jebiyo Al-shabaab, si nabad iyo barwaaqo loo gaaro, isaguna diyaar u yahay inuu kaalin hormuud ah ka qaato.

“Waxa uu qorshaheygu yahay in muddo labo sano ah lagu burburiyaa waxa la yiraahdo Al-shabaab, waxaan rajeynayaa hadii aan si dhow u wada shaqeeyno, waxaan awoodi karnaa inaan jebino Al-shabaab, waxaan rabaa inaan arko qorshaha oo ku hirgala labada sano ee soo socota” Sidaas waxaa yiri madaxweyne Farmaajo.

Mas’uuliyiinta kulanka la yeeshay madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa ka mid ahaa madaxda Midowga Afrika ee Soomaaliya, Ambassador Francisco Madeira; Safiirka Kenya ee Soomaaliya, Retired Maj. Gen. Lucas Tumbo; Safiirka Djibouti Aaden Xasan Aaden; Safiir ku-xigeenka Itoobiya ee Soomaaliya Jamaaludin Mustafa Cumar iyo Xoghayaha koowaad ee safaaradda Uganda ay ku leedahay Soomaaliya Sheekh Muhindo Alamiin.

Ugu dambeyntii, wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya ayaa dhinaciisa ballan qaaday inay AMISOM si fiican ula shaqeyn doonto madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo, oo 8-da bishaan ku guuleystay tartanka doorasho ee ka dhacay magaaalda Muqdisho.

error: Content is protected !!