Maamulka gobolka Banaadir oo bandow labo maalmood soconaya kusoo rogay Muqdisho

Maamulka gobolka Banaadir ayaa shaaca ka qaaday in magaalada Muqdisho muddo labo maalmood ah ay geli doonto bandow, xilliga lagu guddo jiro xafladda caleemo saarka madaxweynaha Soomaaliya oo dhici doonto 22-ka bishaan Febraayo.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa ku dhawaaqay amarro xayiraad ah lagu soo rogay isku socodka iyo gaadiidka ee magaalada Muqdisho.

Wuxuu gudoomiye Yuusuf Madaale sheegay in laga bilaabo galabnimada Talaadada ah oo ay taariikhda ku beegan tahay 21-ka illaa 22-ka bishaan Febraayo aysan jiri doonin dhaq-dhaqaaq dadka iyo gaadiidka.

Yuusuf Madaale ayaa sidoo kale sheegay in laga bilaabo galabnimadii berri oo Talaadada ah ay magaalada Muqdisho ka bilaaban doonto xayiraadda ilaa ay ka dhammaato xafladda caleemo saarka madaxweynaha Soomaaliya.

Xafladaasi ayaa la sheegayaa inay kasoo qeyb-gali doonaan madax kala duwan oo ka socota dalalka dariska iyo kuwa Carabta ah.

Dhinaca kale, Yuusuf Madaale ayaa ka codsaday shacabka Muqdisho inay u dulqaataan wax kasto oo uga yimaada wadooyinka inta ay xiran yihiin una samraan ciidamada ammaanka sugaya.

Si kastaba ha ahaatee, dad reer Muqdisho ayaa labada maalmood ee bandowga lagu soo rogay ku xukumanaan doonno inay guryahooda joogaan, islamarkaana aanay jiri doonin wax shaqo iyo waxbarasho ah.

error: Content is protected !!