Madaxweynaha maamulka Hirshabeele Cali C/laahi Cosoble ayaa gelinkii dambe maanta ku dhawaaqay golaha wasiirada cusub maamulkiisa, kaas oo ka kooban 52 xubnood.
Wasiirada la magacabay oo intooda badan ah xildhibaano ka tirsan baarlamaanka maamulka Hirshabeele, waxayna kala yihiin; 23 wasiir, 23 wasiiro ku-xigeen iyo 6 wasiiru dowlayaal.
Munaasabadda looga dhawaaqay liiska golahaasi wasiirada Hirshabeele ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin badan oo kala duwan, waxaana liiska wasiirada cusub saxaafadda u aqriyay agaasimaha madaxtooyadda maamulka Hirshabeele C/qaadir Cabdulle Xooshow
Hoos ka aqriso liiska cusub ee golaha wasiirada maamulka Hirshabeele