Milkiilaha teleefishinka UNIVERSAL oo laga sii daayay xabsiga magaalada Hargeysa (SAWIRO)

Wararka naga soo gaarayo magaalada Hargeysa ee xarunta maamulka Somaliland ayaa sheegaya in duhurnimadii maanta xabsiga laga sii daayay milkiilaha teleefishinka UNIVERSAL Injineer Axmed Abuubakar.

Wariyaheena ku sugan magaalada Hargeysa oo xiriir la sameeyay wariyaal ka howlgala teleefishinka UNIVERSAL ayaa u xaqiijiyay in maanta xabsiga laga sii daayay milkiilaha teleefishinka Injineer Axmed Abuubakar.

Injineer Axmed Abuubakar ayaa habeenkii xalay ku hoyday xabsi ku yaala magaalada Hargeysa, kadib markii maalintii shalay ay ciidanka ammaanka ee Somaliland xabsiga u taxaabeen.

Illaa iyo haatan waxaan la ogayn sababta rasmiga ah ee ka dambeysa xarigiisa, iyo cidda ka dambeysay.

Dhinaca kale, xariga Injineer Axmed Abuubakar ayaa loo maleeynayaa inuu la xiriiro barnaamij ka baxa teleefishinka UNIVERSAL ee ah “Faaliyaha Qaranka”, kaas oo laga sii daayo waxyaabo ay dhibsadeen mas’uuliyiinta maamulka Somaliland.

Ugu dambeyntii, maamulka Somaliland wali kama hadlin xariga loo geystay milkiilaha teleefishinka UNIVERSAL, kaas oo ka yimid magaalada Jigjiga islamarkaana kusii jeeday magaalada Muqdisho.

Injineer Axmed Abuubakar ayaa lagu wadaa in maalinta Arbacada uu ka qeyb-galo xafladda caleemo saarka madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo.

error: Content is protected !!