Nabadoon Cabdi Cumar Ibraahim oo caawa lagu dhex dilay guri uu ka degan yahay Muqdisho

Kooxo hubeysan ayaa caawa guri ku yaala degmada X/jajab ee magaalada Muqdisho ku dilay nin nabadoon ah oo si aad looga yaqaanay degmadaasi.

Allaha u naxariistee nabadoonka la dilay oo lagu magacaabi jiray Nabadoon Cabdi Cumar Ibraahim, ayaa la dilay xilli uu ku sugnaa gurigiisa ku yaala degmada X/jajab, gaar ahaan xaafadda loo yaqaano Buur-Karoole.

Kooxdii dilka geystay ayaa islamarkiiba goobta isaga baxsaday, waxaana goobta uu dilka ka dhacay soo gaaray ciidamada nabad-sugidda qaranka, waxayna goobtaasi ka sameeyeen howlgalo lagu raadinaayo kooxihii dilka geystay.

Allaha u naxariistee, Nabadoonka la dilay ayaa la sheegayaa inuu qeyb ka ahaa ergooyinkii magaalada Baydhabo kaga qeyb galay doorashadii lagu dooranayay xildhibaanada deegaanada Koonfur Galbeed ku matalaya baarlamanka federaalka Soomaaliya.

Dhinaca kale, afhayeenka Al-shabaab Sheekh Cali Dheere ayaa dhawaan ku hanjabay inay tallaabo adag ka qaadi doonaan odayaasha dhaqanka, hadii ay ka qeyb qaataan doorashooyinka haatan soo gaba-gaboobay.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa muddooyinkii ugu dambeysay magaalada Muqdisho kusoo badanaayay dilalka loo geysanaayo nabadoonada, iyadoona dilka nabadoonkaan uu noqonaya kii afaraad oo muddo todobaad gudaheeda loogu geysto magaalada Muqdisho.

error: Content is protected !!