Shariif Xasan oo qaati ka taagan dad uu sheegay inay lacag ku bixinayaan inay xilka ka tuuraan (DHAGEYSO)

Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan oo maanta hadal ka jeediyay kulan uu magaalada Baydhabo kula yeeshay bulshada qeybaheeda kala duwan ayaa ka hadlay mooshinkii dhawaan ay ka keeneen qaar ka mid ah xildhibaanada maamulkaas.

Qaar ka mid ah xildhibaanada baarlamaanka Koonfur Galbeed ayaa Shariif Xasan Sheekh Aadan ku eedeeyay hanti lunsasho iyo xil gudasho la’aan, waxayna kasoo keeneen mooshin xil ka qaadis ah.

Shariif Xasan Sheekh Aadan oo arrinkaasi ka hadlay ayuu ku sheegay inay jiraan dad lacag ku bixinaya sidii isaga xilka looga qaadi lahaa, isagoona ugu baaqay dadkaasi inay ka waantoobaan waxay sameynayaan.

Dhinaca kale, Shariif Xasan ayaa sheegay in haatan aysan jirin wax dhaqaale ah oo maamulkiisa gacan uga geysto abaaraha ka jira deegaanada maamulkaasi uu ka arimiyo.

Wuxuu Shariif Xasan sheegay meelaha ay canshuuraha ka qaadaan oo kaliya inay yihiin degmooyinka Afgooye iyo Baydhabo, islamarkaana goobahaasi aysan lahayn wax deked iyo garoon ah.

Ugu dambeyntii, Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa ugu baaqay dadka dhaqaalaha ku bixinaya in isaga dowladiisa ay ridaan, inay dhaqaalahaasi ku caawiyaan dadka ay abaaraha soo riteen.

error: Content is protected !!