Weerar lagu qaaday guri ay ku sugnaayeen mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Hirshabeele

Waxaa faah faahin dheeraad ah laga helayaa weerar Bambaano oo habeenkii xalay lagu qaaday guri ku yaala agagaarka xarunta madaxtooyada maamulka Hirshabeele ee magaalada Jowhar.

Weerarkaasi ayaa la sheegayaa inuu ahaa Bam gacmeed lagu tuuray guri ay ku sugnaayeen mas’uuliyiin iyo saraakiil ka tirsan maamulka Hirshabeele.

Gabar yar oo 2 sano jir ah ayaa la xaqiijiyay inay weerarkaasi ku geeriyootay, halka hooyadii dhashay gabadhaasi ay dhaawacantay.

Mas’uuliyiintii weerarka lagu qaaday ayaa ka bad-baaday, mana jirto cid kale oo weerarkaasi wax ku noqotay.

Kooxihii weerarka kusoo qaaday gurigaasi ayaa la sheegayaa inay baxsadeen, waxaana islamarkiiba goobtaasi soo gaaray ciidamo uu horkacaayo guddoomiyaha gobolka Sh/dhexe Axmed Meyre.

Sidoo kale, waxaa goobtaasi soo gaaray guddoomiyaha magaalada Jowhar C/qaadir Buurfuule iyo taliyaha ciidamada nabad-sugida gobolka Sh/dhexe Xaayow.

Illaa iyo haatan ma jiro wax war ah oo kasoo baxay maamulka gobolka Sh/dhexe iyo ciidamada nabad-sugida, balse waxay mas’uuliyiintaasi sheegeen inay sameynayaan baaritaano ay ku ogaanayaan cidda ka dambeysay weerarkaas.

error: Content is protected !!