DEG DEG:- Madaxweynaha maamulka Ahlu-sunna ee gobolada dhexe oo Muqdisho kusoo wajahan

Wararka goordhaw naga soo gaaray magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud ayaa waxay sheegayaan in magaaladaasi uu saacaha soo socdo kasoo amba bixi doonno madaxweynaha maamulka Ahlu-sunna Waljameeca ee gobolada dhexe Sheekh Maxamed Shaakir, isagoona kusoo wajahan magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya.

Sheekh Maxamed Shaakir ayaa lagu wadaa markii uu soo gaaro magaalada Muqdisho inuu ka qeyb-galo xafladda caleemo saarka madaxweynaha cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo, oo dhici doonta maalinta berrito oo Arabaco ah.

Waxaa haatan magaalada Guriceel laga dareemayaa diyaar garoow aad u weyn, iyadoona qaar ka mid ah dadkii shacabka ee ku noolaa magaalada Guriceel ay haatan kusii qul-qulayaan garoonka diyaaradaha ee magaaladaasi, si ay halkaasi uga sii sagootiyaan madaxweynaha maamulka Ahlu-sunna Waljameeca ee gobolada dhexe Sheekh Maxamed Shaakir.

Saacadaha soo socdo ayaa la filayaa in madaxweynaha maamulka Ahlu-sunna Waljameeca ee gobolada dhexe Sheekh Maxamed Shaakir uu soo gaaro garoonka diyaaradaha magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud, isagoona kadib halkaasi uga soo amba bixi doonno magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya.

Wixii warkaan kusoo kordha dib kala soco Insha Allaah.

error: Content is protected !!