DEG DEG:- Madaxweyne Uhuru Kenyatta oo goordhaw soo gaaray magaalada Muqdisho

Waxaa daqiiqado kahor garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho soo gaaray wafdi uu hogaaminaayo madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta, iyadoona halkaasi ay si diiran ugu soo dhaweeyeen mas’uuliyiin kala duwan oo ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya.

Madaxweyne Kenyatta iyo wafdigiisa ayaa lagu wadaa inay maanta ka qeyb-galaan xafladda caleemo saarka madaxweynaha cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo.

Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa noqday mas’uulkii seddaxaad ee ka socda dalalka deriska ah ee maanta soo gaara magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya, iyadoona sidoo kale saacadaha soo socdo la filaayo inay magaalada Muqdisho soo gaaraan madax kala oo ka kala socda wufuud kale oo caalami ah.

Dhinaca kale, ammaanka goobta ay xafladdu ka dhaceeyso ayaa ah mid si weyn loo adkeeyay, waxayna goobtaasi maanta tahay mid mashquul badan islamarkaana xilliyada soo socdo la filaayo inay xafladda si toos ah u bilaabato.

error: Content is protected !!