DEG DEG:- Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Hailemariam Desalegn oo soo gaaray magaalada Muqdisho

Waxaa goordhaw garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho soo gaaray wafdi uu hogaaminaayo ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya Hailemariam Desalegn, waxaana halkaasi si diiran ugu soo dhaweeyay mas’uuliyiin kala duwan oo ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Wafdiga ra’iisul wasaaraha Itoobiya Hailemariam Desalegn ayaa lagu wadaa inay maanta ka qeyb-galaan xafladda caleemo saarka madaxweynaha cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo.

Ra’iisul wasaare Hailemariam Desalegn ayaa noqday mas’uulkii labaad ee ka socda dalalka deriska ah ee soo gaara magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya, iyadoona saacadaha soo socdo la filaayo inay magaalada Muqdisho madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta iyo wufuud kale oo caalami ah.

Dhinaca kale, ammaanka goobta ay xafladdu ka dhaceeyso ayaa ah mid si weyn loo adkeeyay, waxaana goobta ay xafladda ka soconayso ay tahay mid mashquul badan islamarkaana xilliyada soo socdo la filaayo in xafladda ay si toos ah u bilaabato.

error: Content is protected !!