Jadwalka xafladda caleemo saarka madaxweynaha Soomaaliya iyo madaxda ka hadli doonta (AKHRISO)

Waxaa maanta xarunta Afisyoone ee magaalada Muqdisho ka dhici doonta xafladda caleemo saarka madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo, taas oo ay kasoo qeyb geli doonaan madax kala duwan oo isaga kala imaanaysa dalalka deriska iyo caalamka.

Madax kala duwan oo ka socda dalalka deriska ah ayaa lagu wadaa inay maanta soo gaaraan magaalada Muqdisho, waxaana si weyn loo adkeeyay ammaanka goobta ay xafladda ka dhaceeyso ee xarunta Afisyoone ee magaalada Muqdisho.

Hadaba waxaan hoos idinkugu soo gudbineynaa jadwalka xafladda caleemo saarka madaxweynaha iyo madaxda khudbadaha ka jeedin doonta munaasbadda oo ay ka dhex muuqdaan xubno kala duwan:-

Akhriso jadwalka xafladda caleemo saarka madaxweyne Farmaajo

6:00 – 10:30  – Soo gelitaanka Martida

10:30 il 11:30 – Madadaallo iyo suugaan

11:30 – 11:45 – Furitaanka iyo kalmadda guddoomiyaha Guddiga qaban qaabada caleema-saarka Madaxweyne Farmaajo ahna wasiirka Qorsheynta Cabdiraxmaan Ceynte.

11:50 – 12:10 – Kalmadda Wakiilka Qaramada Midoobay, xoghayaha guud ee qaramada Midoobay Macheal Keating.

12:10 – 12:30: – Kalmada Wakiilka Midowga Africa Francisco Madeira

12:30 – 12:50: – Kalmadda Jabuuti: Mudane Ismaaciil Cumar Gelle

12:50 – 1:10: – Kalmada Itoobiya: Hailemariam Desalegn Boshe

1:10 – 1:30: – Kalmada Dowladda Kenya: Mudane Uhura Kenyatta

1:30 – 1:50: – Khudbadda Madaxweynihii hore ee Xasan Sheekh Maxamuud

1:50 – 2:20: – Khudbadda Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo

-DHAMAAD-

error: Content is protected !!