Xaalada Muqdisho oo maanta ka badalan sidii hore iyo wadooyinka qaarkood oo xiran (SAWIRO)

Waxaa maanta isbadel aan caadi ahayn laga dareemayaa qaar ka mid ah wadooyinka ku yaala magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya, iyadoona wadooyinkaas maanta ay gebi ahaan xiran yihiin islamarkaana aanay jirin wax dhaq-dhaqaaq ah.

Ciidamo badan oo isugu jira nabad-sugidda qaranka iyo booliska Soomaaliyeed ayaa maanta lagu daadiyay wadooyin qaar ee ku yaala magaalada Muqdisho, waxaana gebi ahaan la joojiyay isku socodka gaadiidka iyo dadweynaha ee ka jiray wadooyinkaas.

Sababta ugu weyn ee loo xiray waddooyinkaasi ayaa la sheegayaa inay tahay xafladda caleemo saarka madaxweynaha Soomaaliya oo maanta ka dhaceeyso xarunta Afisyoone ee magaalada Muqdisho.

Inta badan dadka shacabka ah ee hore u isticmaali jiray waddooyinkaasi ayaa maanta u muuqda dad hore ugu talo galay arrintaan, iyagoo ka baaqsaday shaqooyinkoodii kadib markii ay saameyn ku yeelatay arrimaha ammaanka ee magaalada Muqdisho.

error: Content is protected !!