Madaxweyne Farmaajo oo safarkii ugu horeeyay tan iyo markii xilka loo doortay ugu baxay Sucuudiga

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa saakay aroortii ka dhoofay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, iyagoona kusii jeeda dalka boqortooyadda Sacuudi Carabiya.

Socdaalka madaxweyne Farmaajo ayaa yimid waxyar kadib markii uu xilka ra’iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya u magacaabay Xasan Cali Kheyre.

Xasan Cali Kheyre oo ah nin aqoonyahad ayaa beel ahaan kasoo jeeda beesha Murudsade/Fool Culus/Habar Ceyno, wuxuuna heystaa dhalashada dalka Norway.

Madaxweyne Farmaajo ayaa uljeedka safarkiisa la sheegay inuu yahay, kadib markii uu casuumaad rasmi ah ka helay boqorka Sucuudi Carabiya Boqor Salmaan Bin C/casiis, isagoona sidoo kale dalkaasi Sucuudiga kaga qeyb-gali doonna shir halkaasi ka dhici doonna.

Sidoo kale, madaxweyne Farmaajo ayaa inta uu dalkaasi Sucuudiga ku sugan yahay, waxa uu tagi doonna Xaramka, isagoona halkaasi uga soo duceyn doonno shacabka Soomaaliyeed.

Safarkaan ayaa noqonaya kii ugu horeeyay uu madaxweyne Farmaajo dalka uga baxo tan iyo markii uu xilka loo doortay.

Dowladda boqortooyadda Sucuudi Carabiya ayaa casuumaad u fidisay madaxweyne Farmaajo, waxayna u balan-qaaday madaxweynaha in taageero dhaqaale iyo deeq ku saabsan abaaraha ay Soomaaliya siin doonto.

error: Content is protected !!