Madaxweyne Farmaajo oo si rasmi ah u magacaabay ra’iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa maanta si rasmi ah xilka ra’iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya u magacaabay Xasan Cali Kheyre, kaas oo uu kasoo dhex xushay in ka badan 40 musharixiin oo xilkaasi doonayay.

Ra’iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo deegaan ahaan kasoo jeeeda degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud ayaa u dhashay beesha Murudsade/Foor Culus/Habar Ceyno, wuxuuna hore u ahaa ganacsade usoo shaqeeyay hay’addaha Samafalka, isagoo aan lagu aqoon masraxa siyaasadda.

Madaxweyne Farmaajo ayaa qoraal kooban uu kusoo qoray beejkiisa Twitter-ka ku sheegay in xilka ra’iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya u doortay Xasan Cali Kheyre.

Sidoo kale, madaxweyne Farmaajo ayaa shacabka Soomaaliyeed ka codsaday inay la shaqeeyaan ra’iisul wasaaraha cusub, isagoona Alle uga baryay in howshiisu uu u fududeeyo.

Dhinaca kale, ra’iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa ah nin dhalinyaro muddooyinkii ugu dambeysay ku noolaa dalka Ingiriiska, wuxuuna haystaa dhalashada dalka Norway.

Xasan Cali Kheyre ayaa usoo shaqeeyey hay’adda NRC ee laga leeyahay dalka Norway.

Wuxuu madax ka yahay shirkadda shidaalka ee loo yaqaano Soma Oil and Gas.

error: Content is protected !!