Puntland oo ka hadashay magacaabista ra’iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya (AKHRISO)

War-saxaafadeed kasoo baxay madaxtooyadda Puntland ayaa lagu soo dhaweeyay magacaabista uu madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo saakay xilka ra’iisul wasaarenimo ugu magacaabay Xasan Cali Kheyre.

Sidoo kale, war-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay┬áin ra’iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre uu yahay shaqsi aqoonyahan ah islamarkaana kasoo bixi karo mas’uuliyada loo idmaday.

Dhinaca kale, waxaa war-saxaafadeedka lagu sheegay in ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre uu hore usoo qabtay arrimo badan oo ay ka mid tahay bini-aadanimada, taas oo ah mid ay haatan Soomaaliya u baahan tahay.

Puntland ayaa ballan ku qaaday inay la shaqeyn doonto ra’iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, iyagoona u rajeeyay in xilka loo magacaabay uu si hufan uga soo baxo.

Ugu dambeyntii, war-saxaafadeedka ayaa loogu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay si wanaagsan oo qalbi furnaan leh ula shaqeeyaan ra’iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.

error: Content is protected !!