Banaanbax lagu taageerayo ra’iisul wasaaraha cusub oo ka socda magaalada Muqdisho (DHAGEYSO+SAWIRO)

Banaanbax aad u ballaaran islamarkaana lagu taageerayo ra’iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa haatan ka soconaya Taaladda Dajirka Dahsoon ee magaalada Muqdisho,

Banaanbaxaan ayaa waxaa soo qaban-qaabiyay maamulka gobolka Banaadir, waxaana dadka ka qeyb galaya ka mid ah mas’uuliyiin maamulka ka tirsan, iyadoo ammaanka goobta uu ka dhacaayo banaanbaxa ay ilaalo ka yihiin ciidamo aad u badan.

Dadka banaanbaxa dhigaya ayaa wata boorar ay ku qoran yihiin ereyo taageero loogu muujinaayo ra’iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre, islamarkaana loogu baaqayo bulshada Soomaaliyeed inay la shaqeeyaan xukuumadda cusub uu soo dhisi doonno.

Ugu dambeyntii, mas’uuliyiin ka hadashay goobta uu banaanbaxa ka soconaayo ayaa baaq culus u diray shacabka Muqdisho, iyagoona ugu baaqay inay la shaqeeyaan dowladda cusub, islamarkaana isku duubni la muujiyo.

Si kastaba ha ahaatee, ra’iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa markii uu baarlamaanka ansixiyo kadib laga filayaa inuu soo dhiso xukuumad tayo leh oo ka tartumaysa shacabka Soomaaliyeed.

Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa haatan laga doonayaa inuu la yimaado isbedel ku aadan maamulka dalka iyo shaqsiyaadka ka mid noqon doonno xukuumadda cusub ee uu soo dhisi doonno.

error: Content is protected !!