Mooshin xil ka qaadis oo laga gudbiyay madaxweyne Cosoble iyo eedeymo loo jeediyay (AKHRISO)

Wararka naga soo gaaraya magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/dhexe ayaa sheegaya in illaa 50 xildhibaan oo ka tirsan baarlamaanka maamulka Hirshabeele ay si rasmi ah u saxiixeen mooshin xil ka qaadis ah oo ka dhan ah madaxweynaha maamulkaasi Cali C/laahi Cosoble.

Xidlhibaanadaasi ayaa ku eedeeyay madaxweyne Cali C/laahi Cosoble xil gudasho la’aan iyo la-tashi la’aan, ku takri fal awoodeed, iska horkeenid beelaha degga deegaanada Hirshabeele iyo lunsashada hantida maamulka Hirshabeele.

Mooshinkaan ayaa yimid kadib markii madaxweynaha maamulka Hirshabeele Cali C/laahi Cosoble uu dhawaan ku dhawaaqay golaha wasiirada maamulkaasi oo intooda badan ahaa xildhibaano ka tirsan baarlamaankaas.

Dhinaca kale, xiisad siyaasadeed ayaa haatan laga soo sheegayaa inay ka taagan tahay magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/dhexe, iyadoona maalmihii ugu dambeysay ay halkaasi ka dhaceen banaanbaxyo aad u xoogan.

Hoos ka aqriso xildhibaanada saxiixay mooshinka xil ka qaadista madaxweyne Cali C/laahi Cosoble:-

error: Content is protected !!