Xildhibaan Faarax C/qaadir oo ka hadlay guushii Farmaajo iyo magacaabista ra’iisul wasaaraha cusub

Xildhibaan Faarax Sheekh C/qaadir oo ka tirsan baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay ka hadlay aragtidiisa ku aadan xilka loo doortay madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo iyo sababta ay shacabka badan u jeclaadeen

Xildhibaan Faarax C/qaadir ayaa sheegay in madaxweyne Farmaajo xilligii uu ra’iisul wasaaraha dalka ka ahaa uu wax weyn oo isbadel ah ka qabtay dalka, islamarkaana uu haatan yahay shaqsi shaqada loo doortay kasoo bixi kara.

Xildhibaan Faarax C/qaadir ayaa sheegay inuu soo dhaweynayo go’aanka uu madaxweyne Farmaajo kusoo doortay ra’iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre.

Dhinaca kale, Xildhibaan Faarax C/qaadir hambalyo u diray ra’iisul wasaaraha la magacaabay ee Xasan Cali Kheyre, isagoona u rajeeyay in xilka loo magacaabay uu Alle ku guuleeyo.

Ugu dambeyntii, xildhibaan Faarax C/qaadir ayaa sheegay in ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre uu yahay shaqsi kasoo bixi kara xilka loo magacaabay islamarkaana kasoo shaqeeyay shaqooyin heer caalami iyo gudaha dalka.

Xildhibaan Faarax C/qaadir ayaa ka mid ah shaqsiyaadka sida weyn ugu dhaw madaxweynihii hore ee dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, kaas oo looga guuleystay tartankiii doorasho ee qabsoontay 8-da bishaan Febraayo ee 2017-ka.

error: Content is protected !!