Maxkamadda ICJ oo waqti kama dambeys ah u qabatay Kenya inay kusoo gudbiso jawaabta dacwadda Badda

Maxkamadda caalamiga ee cadaaladda aduunka (ICJ) oo ku taalla magaalada Hague ee dalka Netherlands ayaa waqti kama dambeys ah u qabatay dowladda Kenya inay kusoo jawaabto dacwada Badda ee Soomaaliya kala dhaxeeysa.

Digniinta maxkamadda ICJ ayaa ka danbeysay kadib markii ay maxkamaddu go’aamisay in dacwadda Badda ee u dhaxeeysa Kenya iyo Soomaaliya ay qaadi karto, waxayna haatan maxkamaddu Kenya u qabatay inay dacwadda ay Soomaaliya kala dhaxeeyso kusoo gudbiso ugu dambeyn 18-ka bisha December ee 2017.

Dowladda Kenya oo hore ugu fashilantay dadaalkeedii ahaa in maxkamadda aysan qaadi karin dacwadda ayaa hadda haysata muddo 10 bilood ah oo ay jawaab uga bixiso dacwad ay Soomaaliya u qortay maxkamadda oo la gaarsiiyay sanadkii 2014.

Dacwaddu Badda ee Soomaaliya iyo Kenya ayaa salka ku heysa soodinta Badda ee labada dal, waxaana Kenya ay dooneysaa in la qaloociyo soohdintaasi, si deegaan Badeed uga hesho badweynta Hindiya.

Si kastaba ha ahaatee, dowladda cusub ee federaalka Soomaaliya iyo dowladda Kenya ka dhalan doonta doorashada kadib ayaan la ogeyn go’aanadda rasmiga ah ay ka qaadan doonaan dacwadda ka taalla maxkamadda caalamiga ee cadaaladda adduunka (ICJ).

error: Content is protected !!