Nabadoon Cismaan Kheyre oo caawa lagu dhaawacay degmada Wardhiigley ee magaalada Muqdisho

Koox hubeysan ayaa caawa degmada Wardhiigley ee magaalada Muqdisho, gaar ahaan xaafadda Cali-kamiin ku dhaawacday Nabadoon Cismaan Kheyre oo la sheegay inuu ka mid ahaa ergadii magaalada Cadaado kusoo doortay xidlhibaanada baarlamaanka cusub ee Soomaaliya.

Nabadoon Cismaan Kheyre ayaa la sheegayaa in dhowr rasaas lagu dhuftay islamarkaana ay kooxda weerartay goobtaasi uga tageen meyd ahaan, balse uu dhaawacmay oo kaliya.

Weerarkaasi kadib waxaa goobta soo gaaray ciidamo ka tirsan kuwa nabad-sugidda qaranka ee dowladda federaalka Soomaaliya, waxayna goobtaasi ka sameeyeen baaritaano xoogan.

Ma jirto cid ilaa iyo haatan lagu soo qabtay baaritaankaasi ama sheegatay mas’uuliyadda weerarka lagu dhaawacay Nabadoon Cismaan Kheyre.

Weerarkaan ayaa kusoo beegmayaa xilli dhawaan dilal kala duwan magaalada Muqdisho loogu geystay dhowr Nabadoono oo ka qeyb qaatay doorashadii xubnaha baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Wixii warkaan kusoo kordha dib kala soco Insha Allaah

error: Content is protected !!