DEG DEG:- Dagaal beeleed oo qasaare geystay oo haatan ka soconayo gobolka Sh/dhexe

Wararka naga soo gaaraya deegaano hoostaga degmada Cadale ee gobolka Sh/dhexe ayaa sheegaya in halkaasi uu ka soconaayo dagaalo aad u culus oo u dhaxeeya labo beelood oo hore colaad halkaasi ku dhex martay.

Dagaaalkaasi oo la isku adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan ayaa la sheegayaa inuu ka socdo tuulooyin hoostaga degmada Cadale, waxaana dagaaladaasi ka dhashay qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Inta la xaqiijiyay waxaa dagaaladaasi ku geeriyootay illaa 10 qof oo isugu jira dhinayacyada dagaalamay iyo dad shacab ah, iyadoona tiro intaasi ka badan ay ku dhaawacantay.

Maamulka Hirshabeele oo ku baaqay in dagaaladaasi si shuruud la’aan lagu joojiyo ayaa u muuqdo mid ku guul-dareystay inay ka hortagaan colaadaan oo in muddo ah ka taagneed gobolka Sh/dhexe.

Dhinaca kale, magaalooyinka Muqdisho iyo Jowhar waxaa haatan ka socdo dadaalo la doonayo in lagu qaboojiyo colaadda dib uga soo cusboonaatay deegaanada ku yaalla gobolka Sh/dhexe.

Wixii warkaan kusoo kordha dib kala soco Insha Allaah

error: Content is protected !!