War goordhaw kusoo dhacay xafiiska warbaahinta Bulshoweyn ayaa sheegaya in madaxweynaha maamulka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed uu ku dhawaaqay inuu gebi ahaan iska casilay xilka uu haayay.
C/kariin Xuseen Guuleed oo haatan ku sugan dalka Hindiya arrimo caafimaad awgeed ayaa la sheegayaa inuu iska casilay xilka uu ka haayay maamulka Galmudug.
Muddooyinkii ugu dambeysay xaaladda caafimaad ee C/kariin Xuseen Guuleed ayaa la sheegayaa inay ahayd mid aad u liidato, isagoona arrimo caafimaad awgeed aanan ka qeyb galin xafladda caleemo saarkii madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo.
Is-casilaadda lama filaanka ah uu maanta ku dhawaaqay madaxweynihii maamulka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed ayaa timid kadib markii uu sheegay in xaaladiisa caafimaad ay noqotay mid aad u liidata.
Qaar ka mid ah xidlhibaanada baarlamaanka maamulkaasi ayaa dhawaan mooshin xil ka qaadis ay keeneen xilkii kaga xayuubiyay madaxweeyne C/kariin Xuseen Guuleed.
C/kariin Xuseen Guuleed ayaa ka hor-yimid xil ka qaadistaasi lagu sameeyay, wuxuuna ku tilmaamay arrinkaasi inay tahay mid sharci darro ah islamarkaana lagu qal-qal gelinaayo siyaasadda amni ee ka jirta maamulka Galmudug.
Hoos ka aqriso warqaqada is-casilaadda uusoo saaray C/kariin Xuseen Guuleed