Madaxweyne Farmaajo oo kormeeray xabsiga dhexe iyo xarunta ciidamada asluubta (SAWIRO)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa maanta kormeer aan caadi ahayn ku kala tagay xabsiga dhexe iyo xarunta ciidamada asluubta ee magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Farmaajo ayaa saraakiisha ciidamada asluubta kala hadlay howsha muhiimka ah oo ay haayaan iyo sida looga baahan yahay daryeelka maxaabiista xabsiyada ku jira.

Sidoo kale, madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in ilaalinta xuquuqda maxaabiista iyo daryeelkooduba ay mas’uuliyad ka saaran tahay dowladda, wuxuuna ciidanka asluubta ku dhiirra-geliyay howlaha ay haayaan.

“Waa mid ammaan mudan heerka aan maanta ka taaganahay ilaalinta xuquuqda maxaabiista, Soomaaliya oo muddo bur-bursaneyd in maanta xabsiyadeenna ay leeyihiin adeeg walba, laguna daryeelo maxaabiista, waa horumar biloow ah, waxaa innaga go’an inaan sii joogteyno oo aan sii horumarino islamarkaana wax barno ciidankeena dadaalkaas badan muujiyey, dhawaanna waxaa bilaaban doono mashaariic lagu horumarinayo tirada iyo tayada ciidanka asluubta Soomaaliyeed” Sidaasi waxaa yiri Madaxweyne Farmaajo.

Dhinaca kale, madaxweyne Farmaajo ayaa lagu wadaa in maalmaha soo socda uu booqdo xarumaha kale ee dowladda ee ku yaala magaalada Muqdisho, si uu fikir guud uga qaato xaaladooda iyo baahida ay qabaan shaqaalaha dowladda oo aan in muddo ah wax mushaar ah qaadan.

Ugu dambeyntii, madaxweyne Farmaajo ayaa hore u sheegay xukuumadda cusub ee lasoo dhisi doono inay ahmiyad gaar ah siin doonto sidii ay xaquuqdooda u heli lahaayeen hawl-wadeenada hay’adaha dowladda ka shaqeeya.

Si kastaba, inkastoo qorshaha dowladda cusub uu yahay in la kordhiyo miisaaniyada dowladda, si loo helo dakhli ku filan hawlaha qaran ayaa hadane la ogeyn inay heli doonaan dhaqaale ku filan baahida jirta iyo inkale, gaar ahaan dhinaca hay’adaha kala gedisan ee dowladda oo haatan ku kooban oo kaliya magaalada Muqdisho.

error: Content is protected !!