DEG DEG:- Qarax aad u xoogan oo daqiiqado kahor ka dhacay magaalada Muqdisho

Qarax aad u xoogan oo loo adeegsaday gaari walxaha qarxa lagu soo xiray ayaa daqiiqado kahor ka dhacay inta u dhaxeeysa Jaamacadii hore ee Gaheyr iyo Ex-Control Afgooye ee duuleedka magaalada Muqdisho.

Qaraxaasi oo la sheegayo inuu ahaa gaari walxaha qarxa ay ku rakiban yihiin ayaa inta uusan qarxin kahor damcay inuu si xoog ah ku gudbo bar-koontrool ay ku sugnaayeen ciidanka dowladda Soomaaliya.

Askar ka tirsan ciidankaasi oo gaarigaasi eryaday ayaa markii dambe qaraxa gaarigaasi ku dhaawacantay.

Qaraxaan oo ahaa mid si weyn looga maqlay magaalada Muqdisho ayaa la xaqiijiyay in illaa 4 askari ay ku dhaawacantay.

Xaaladda goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa ah mid aad u kacsan, waxaana qaraxa kadib la maqlay rasaas dhaceeysa.

Dhinaca kale, raggii gaarigaasi qarxay saarnaa ayaa goobta ka baxsaday, kahor inta uusan gaariga qarxin.

Ciidamo ka tirsan nabad-sugidda qaranka Soomaaliya oo goobta qaraxa ka dhacay gaaray ayaa gebi ahaan xiray wadada soo gasha halkaasi, iyagoona kadib baaritaano halkaasi ka bilaabay.

Wixii warkaan kusoo kordha iyo sawirada dib kala soco Insha Allaah

error: Content is protected !!