Prof. Jawaari oo maanta shaaciyay xilliga uu furmi doonno kalfadhiga koowaad ee baarlamaanka

Guddoomiyaha baarlamaanka federaalka Soomaaliya Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa maanta shaaciyay xilliga rasmiga ah uu furmi doonno kalfadhiga koowaad ee baarlamaanka.

Prof. Jawaari ayaa ugu baaqay xildhibaanada baarlaamanka federaalka Soomaaliya in maalinta Arbacada ah oo ay taariikhdu ku beegan tahay 1-da bisha soo socoto ee Maarso ay isku diyaariyaan kalfadhiga 1-aad, islamarkaana ay waqtiga ilaaliyaan.

“Waxaa haatan na horyaala howlo culus oo muhiim u ah dhameystirka dowlad dhisidda Soomaaliya oo qeyb weyn ka mid ah ay xildhibaannada si hufan usoo guteen, waxaanna si xushmad iyo qadarin leh uga codsanayaa xildhibaannada golaha shacabka in si aan u gudanno waajibaadkaas na horyaala ay dhowraan waqtiga islamarkaana usoo xaadiraan furitaanka kalfadhiga 1-aad ee furmi doonna maalinta Arbacada oo ay taariiqdu tahay 1-da Maarso” Sidaasi waxaa yiri guddoomiye Jawaari

Dhinaca kale, warar laga helayo aynu ka heleyno xarunta madaxtooyadda Villa Soomaaliya ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in madaxweyn Maxamed C/laahi Farmaajo uu haatan qorsheynayo in ra’iisul wasaaraha uu dhawaan magacaabay ee Xasan Cali Kheyre uu maalinta Khamiista ah islamarkaana ay bishu tahay 2-da Maarso uu horgeeyo baarlamaanka, si codka kalsoonida loogu qaado.

Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa dhinaciisa wada olole aad u xoogan uu codka kalsoonida uga raadsanaayo xildhibaanada baarlamaanka, wuxuuna maanta la kulmay xildhibaanada laba gole ee kasoo jeeda beesha Daarood, isagoo ka codsaday inay siiyaan codka kalsoonida.

Ugu dambeyntii, ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa dhawaan kulan sidaan oo kale ah la yeeshay xildhibaanada baarlamaanka ee kasoo jeeda beesha Hawiye, wuxuuna xildhibaanadaasi hordhigay codsi kan la mid ah, iyagoona ugu dambeyn u ballanqaaday inay taageeri doonaan islamarkaana ay codka kalsoonida ah siin doonaan.

error: Content is protected !!