Wararkii ugu dambeeyay dab xoogan oo muddo saacado ah ka socda suuqa Bakaaraha (SAWIRO)

Waxaa saakay aroortii salaadii subax kadib suuqa weyn ee Bakaaraha ee magaalada Muqdisho ka kacay dab aad u xoogan, kaas oo geystay qasaare isugu jira mid nafeed iyo hantiyeedba leh.

Qeybo badan oo ka mid ah suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho ayaa la sheegayaa inay haatan gubaneeyso, iyadoona dabkaasi uu bixinaayo uuro xoog leh oo hawada dhan qabsatay.

Dabkaan ayaa sida la sheegay ka kacay qeybta qandalada iyo maacuunta lagu iibiyo, waxaana guud ahaan dabkaasi laga arkayaa daafaha magaalada Muqdisho.

Gaadiidka dab damiska iyo dadweyne badan ayaa haatan dadaal xoogan ugu jiro daminta dabkaasi oo muddo saacado ah socda, waxayna dadkaasi kusoo tooseen qeylada baabuurta dab damista, iyadoo dabku yahay mid aad u baaxad weyn.

Dadweyne iyo ganacsato fara-badan ayaa sidoo kale haatan kusii qulqulaya suuqaasi, waxaana suuqaasi soo gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo ka hortagaya boob iyo bililiqo oo halkaasi ka dhacdo.

Dhinaca kale, warar hordhac ah aynu heleyno ayaa sheegaya in dabkaasi uu si xun u baabi’iyay qeybo muhiim ah oo uu ka mid yahay suuqii Khaliifa oo si xun gubtay iyo qeybta Dahablaha oo gebi ahaan bas beelay.

Illaa 4 qof ayaa la xaqiijiyay inay ku geeriyootay dabkaan oo weli socda, kuwaas oo la sheegayo inay dhex hurdayeen goob uu dabkaasi qabsaday.

Qasaaraha ka dhalan karo dabkaasi ayaa laga yaabaa inuu intaasi kasii bato, waxaana weli socda gurmad dabkaasi lagu daminaayo.

Si kastaba ha ahaatee, bishii hore ee Janaayo ayay ahayd markii dab xoog leh uu sidaan oo kale ah suuqaasi Bakaaraha uga kacay, kaas oo isna geystay qasaare hantiyeed oo baaxad leh.

error: Content is protected !!