Wararkii ugu dambeeyay qarax ka dhacay Muqdisho iyo qasaaraha ka dhashay (SAWIRO)

Wararkii ugu dambeeyay ee laga helaayo qarax daqiiqado kahor ka dhacay inta u dhaxeeysa Jaamacadii hore ee Gaheyr iyo Ex-Control Afgooye ee duuleedka magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in illa afar askari ay ku dhaawacantay.

Qaraxaasi ayaa la sheegayaa inuu ka dhashay gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay oo qarxay xilli ay baarayeen ciidamada dowladda Soomaaliya.

Raggii gaarigaasi watay ayaa la sheegayaa inay gaariga isaga dhaqaaqeen kahor inta uusan qarxin.

Gaariga ayaa la sheegayaa inuu bacaad ku galay agagaarka Ex-Control Afgooye ee duuleedka magaalada Muqdisho.

Nimanka gaariga watay ayaa la sheegayaa inay saakay hore weerar ka geysteen degmada Boondheere ee magaalada Muqdisho, kaas oo ay ku qaadeen gaari uu watay nin ka shaqeeyo wasaaradda maaliyadda ee xukuumadda federaalka Soomaaliya.

error: Content is protected !!