“Anigu markale isma soo sharaxayee, ciddii rabta inay meesha timaado waqti yar baa ii harayee ha iska sugto..”

Madaxweynaha maamulka Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas oo muddooyinkii ugu dambeysay culeysyo badan ay kaga soo wajaheen maamulkiisa ayaa shaaciyay inuusan markale isku soo sharixi doonin doorashada xilka madaxweynaha maamulkaasi, kadib markii ay u dhamaato xilligiisa 5-ta sanno ee xilka loo doortay.

C/weli Gaas oo hadal ka jeediyay xaflad lagu furay shidaalka garoonka diyaaradaha ee magaalada Boosaaso ayaa sheegay inuusan ku tallo jirin in markale uu isku soo sharaxo xilka madaxweynaha mar hadii uu waqtigiisa 5-ta sano u dhamaato, isagoona dhinaca kale ugu baaqay cidda dooneysa in xilkaan ay qabato inay iska sugto muddada sanadka ah ee uga harsan waqtigiisa.

“Anigu markale isma soo sharaxayee, ciddii rabta inay meesha timaado waqti yar baa ii harayee ha iska sugto, anigaanba dooneyn inaan sii joogo” Sidaasi waxaa yiri madaxweyne C/weli Gaas

Dhinaca kale, madaxweyne Gaas ayaa digniin u diray siyaasiyiinta mucaaradka ah inay qas iyo qalalaase ka dhex abuuraan maamulkiisa, iyagoo adeegsanaya danahooda gaarka ah, ayna kicinayaan shacabka ku sugan deegaanada uu ka arrimiyo maamulkaas.

Ugu dambeyntii, madaxweyne C/weli Gaas oo haatan u muuqda inuusan markale rajo ka laheyn inuu u tartamo xilka madaxweynaha maamulka Puntland ayaa doorashadii hore si dirqi ah uga guuleystay madaxweynihii isaga ka horeeyay C/raxmaan Faroole oo xilligaasi doorashada kula tartamaayay.

error: Content is protected !!