DEG DEG:- Askari ka tirsan dowladda oo goordhaw lagu dilay degmada Dharkeenley

Wararka naga soo gaarayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in koox hubeysan ay caawa xaafadda Macalin Nuur ee degmada Dharkeenley ku dileen askari ka tirsanaa ciidanka dowladda federaalka Soomaaliya.

Askariga la dilay oo lagu magacaabi jiray Mowliid Maxamed ayaa la sheegay in dhowr rasaas lagu dhuftay xilli uu ku sugnaa xaafadda Macalin Nuur ee degmada Dharkeenley, iyadoona kooxihii dilka geystay ay hore usii qaateen qoriga uu askarigaasi watay.

Dhinaca kale, kooxihii dilka u geystay askarigaasi ayaa islamarkiiba goobta isaga baxsaday, waxaana halkaasi soo gaaray ciidamo ka tirsan kuwa nabad-sugidda qaranka oo goobtaasi baaritaano ka sameeyay.

Ma jirto cid illaa iyo haatan baaritaankaasi lagu soo qabtay, sidoo kale ma jiraan cid sheegatay inay ka dambeysay dilka askarigaas.

Si kastaba ha ahaatee, dilkaan ayaa kusoo beegmaya xilli muddooyinkii ugu dambeysay dilalka qorsheysan ay si xowli ah ugu soo bateen magaalada Muqdisho, iyadoona dhowr jeer hore ay degmadaasi ka dhaceen falal lidi ku ah ammaanka halkaas.

error: Content is protected !!